Xisbiga WADDANI oo aragtiyo is burinaya ka bixiyey go’aanka Komishanka Doorashooyinka

Xoghayaha Warfaafinta WADDANI oo u Jawaabay Afhayeenka xisbigooda Xildhibaan Barkhad Batuun

Hargeysa-(Berberanews)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Mr Maxamed Adan Jama (Galaal), ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Afhayeenka xisbigooda xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka biyo-diiday qoraal xoghayuhu ku hambalyeeyey go’aanka Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka soo saareen qabsoomidda doorashada madaxtooyada.
Qoraal Xoghaye Galaal ugu jawaabay afhayeen Barkhad, waxa uu ku yidhi; “Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo ciddii shaki qabtaba in mowqifka xisbiga WADDANI iyo afkii xisbiga aan ku hadlayey markaan soo dhoweeyey go’aanka Komishanka Doorashooyinka shakigaas iska saara. Barkhad waa nin weyn oo masuul ah, inta aannu isagu wax loo arko in ay liddi moqafkayagaas ku tahay soo qorin in uu aniga ama madaxda xisbiga la soo xidhiidho ayaa habbooneyd. Arrinkaas hubsiimo la’aan iyo wax kale ayaa ku jiray…
Waxaan kale oo caddaynayaa in mowqifka xisbigana baraha bulshada oo Facebook ka mid yahay lagu baahinayo sidii awalba loogu baahin jiray. Kan maantana FB, Twitter, TV shabakadaha iyo BBCda oo aan duhurkii la hadlayba waa lagu baahiyey…
Hadal iyo murti hubsiimo waa waajib ah inta aan shaqsi masuul kale ka daba hadlin ama wax ka daba qorin. Saaxiibkay dib waxaa hawgu noqon baan kula talinayaa…”
Arrintan ayaa muujinaysa in Xisbiga WADDANI ku kala qaybsan yahay qaabka loo wajahayo go’aanka Komishanka Doorashooyinku muddo 9 bilood ah dib ugu dhigeen qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u muddaysanayd 13 November 2022.