Madaxweynaha Somaliland oo magacaabid sameeyay

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maanta wareegto Madaxweyne, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uu xilkan u magacaabay Naasir Caydiid Maxamed oo hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladdaha Hoose.

Sida lagu sheegay wareegtay ka soo baxday madaxtooyada Somaliland, waxaanay u dhignayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 24 /09/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel) hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Berberanews.com