Ciidamada Maraykanka oo muuqaal  ka duubaya  baaxada  Magaalada  Berbera.

Ciidamo ka yimid saldhiga Maraykanka uu ku leeyahay Jarmalka ee Ramstein Air Base, ayaa September 14, yimid Berbera.Ciidamadan ayaa waxa ay muuqaal ka duubeen baaxada ay ku fadhido magaalada Berbera.

Ramstein Air Base, waa saldhig uu leeyahay Maraykanka oo ku taala Jarmalka, waxana Ramstein Air Base degan 40,000 oo ciidamada Maraykanka ah iyo 15,000 oo ah shaqaale rayid ah, kuwaas oo haysta dhalashada Maraykanka.

September 9, 2022 waxa Gagida Diyaaradaha Berbera, ku soo dagay diyaarado military, oo wada  boqolaal shaqaale ajaanabi ah, oo u badan Hindi iyo Vietnamese.

Shaqaalahan ayaa waxa qandaraas lagu siiyey in mudo kooban, ay ku dhisaan dhawr saldhig oo ah saldhigyada ay dagi doonaan Ciidamada Cirka iyo Ciidamada Badda Maraykanka.

Xigasho.Ahmed Adam.