Xukuumadda Somaliland oo soo jeedisay in baadhis lagu sameeyo xisbiga WADDANI

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI in aannu difaacin qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteedna waxay soo jeedisay in baadhis lagu sameeyo sababta keentay arrintaas.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Mr Cumar-sayid Cabdillaahi oo waraysi siiyey weriye Xasan Galaydh, ayaa sheegay in madaxda xisbiga WADDANI aanay waligood u jawaabin madaxda Soomaaliya, marka ay sheegaan wax taabanaya qarannimada Somaliland.

“Waxaan xisbiga WADDANI waydiinayaa xoghayihiisa guud iyo musharrixiisa, waligood muqaal ay leeyihiin oo ay Soomaaliya kula hadlayaan, ama Farmaajihii maagay Somalilan ee wax walba ku sameeyey, ama Xasan Sheekhan maanta bu’ayey ee madaxweynuhu u jawaabayey bal eray ay yidhaahdeen soo saar,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxa uu madaxda xisbiga WADDANI ka dalbaday in ay ummadda u caddeeyaan sababta ay ugu jawaabi waayeen madaxda Soomaaliya, isaga oo xusay in ay sheegaan haddii Soomaaliya sir ka hayso iyo in kale.
Mr. Sayid waxa uu sheegay in xisbiga Waddani looga fadhiyo in ay ka jawaaban hadalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay dalka Maraykanka ee ah in aannu oggolayn madaxbannaanida Somaliland.

Dhinca kale, waxa uu bogaadiyay xisbiga kale ee mucaaraka ah ee UCID, oo uu sheegay in uu meel adag iska taago markasta oo madaxbannaanida Somaliland la soo weeraro. Waxa uu soo jeediyay in la baadho sababta keentay in madaxda WADDANI aannu wax jawaaba siin madaxda Soomaaliya marka ay xaqiraan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.