Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhashay gaadiidka safarka Madaxweynaha

Hargeysa-(Berberanews)-Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah gaadiidka ciidammada qaranka ee la socda weftiga Madaxweynaha Somaliland iyo baabuur dad shacab ah la socdeen inta u dhexaysa Berbera iyo Dacarbudhuq.

Gaadiidka Madaxweynaha Somaliland waa kuwo inta badan ku socda xawaare aad u sarreeya oo dhalin kara qasaarre mood iyo noolba leh.

Sidaas daraadeed waxaa habboon in dowladda iyo ciddii u xilsaaran safarka Madaxda Qaranku inay dhimaan xawaaraha aadka u sarreeya ee ay ku socdaan gaadiidku iyadoo aanay jirin duruuf ku kelifaysa inay sidaas u socdaan, kana fekeraan dhibka soo gaadhi karta masuulliyiinta iyo dadka shacabka ah ee gaadiidkoodu isticmaalayaan waddooyinka.