Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay dhallinyaro doonayey inay gubaan meherad

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro dhowaan dab qabadsiinaayay (gubayey meherad la yidhaa Djibouti) oo badhtamaha Hargaysa ku taala, sida Kamerada qarsoon ee CCTV duubtay dhallinyarada oo ka koobnaa 4 ayaa dab qabsadsiinayey meheradda horteeda, waxana  gacanta lagu soo dhigay laba ka mid ah.

Labada eedaysane ee  gacanta lagu soo dhigay ayaa kala ah 1. Cabdillaahi Jaamac Cabdillaahi ina Ayaan Bashiir oo 20 jir ah, ahna kii dabka meheradda ku waday.

2- Cabdiqani Faarax Maxamed ina Farduus Axmed 23 jir ah.

Dedaallo ay sameeyeen  Ciidanka  Booliska JSL ayaa saacado gudahood gacanta ku soo dhigay labadan eedaysane, halka ay ku raad-joogaan 2 eedaysane ee  kale oo Ciidanku  aqoonsaday, waxana si degdeg ah loo horgaynayaa sharciga. 

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu halkan uga digayaa  cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta nabadgalyada, waxyeellada hantida shacabweynaha JSL iyo wax kasta oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland in ay ku qaban doonnaa gacan bir ah.

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku ammaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.

“Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha.”