Madaxweynaha Somaliland oo markale si adag ugu jawaabay dhiggiisa Soomaaliya

Tukaraq – (Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya marka ay xilka qabtaan u tafoxaytaan dhibaataynta Somaliland, haatanna uu waddadaas maray madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxay dhibaato ka dhacday, mar walba ninka Xamar kursiga maalintaa fadhiistaa, ilaa uu dab ku oogo Somaliland oo uu colaad ka abuuro saldhigi maayo, kuwii hore ayaannu ogayn, Xasan Sheekh-na shalay wuxuu ku hadlay waad wada maqasheen,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo khudbad u jeediyey Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda Tukaraq ee Gobolka Sool oo uu booqday maanta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in uu rajaynayo in shacabka Soomaaliya aanay Xasan Sheekh la qabin hadalkii uu ku yidhi “Somaliland madaxbannaanideeda ma oggolin, basle waannu u saxeexi mashaariicda si ay u noolaadaan.”
“Shalay Xasan Sheekh, maba jiraane hadday doonayaan woxogaa ay ku ceesh-ceeshaan waan u saxeexi ayuu ku soo gaabiyey hadal oo dhan. Waxaan filayaa taas in aanay la qabin Puntland dadkeedu, Dhuusa-mareebna la qabin, Galmudug, Kismaayana la qabin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale waxa uu tilmaamay  in Somaliland rabto in ay jaarkeeda nabad kula noolaato.

Waxaannu yidhi; “Somaliland maanta cid walba oo jaar ah, dhinac walba, hadday bari tahay, haday galbeed tahay, hadday woqooyi tahay, hadday koonfur tahay, cid walba gacan nabadeed iyo walaaltinimo ayaynu u taagaynaa.”

“Waliba waan la baryaynaa oo waxaan leenahay waar shaydaanka iska naara annaga ayaa rabshado soo dhammaysanaye, ninkii loo taag waayana waynu is hurranahay oo abaalkii ayaynu ka waraabin doonaa.”
Madaxweyne Biixi waxa uu xukuumadda Muqdisho iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya oo Puntland ugu horreeyo u soo jeediyay in ay aqbalaan in xadkii isticmaarka ee Afrika ku dhisan tahay inuu u dhexeeyo, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha la wadaago, sida isbeddelka cimilada iyo iska difaacista cadowga dibadda.