Cirro oo bogaadiyay anixinta Wakiillada ee Doorashooyinka isku sidkan

Hargeysa-(Berberanews)-Musharraaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku hambalyeeyay Golaha Wakiillada Somaliland ansixinta doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Asxaabta qaranka.

“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer-dajiyayaal) oo maanta si ay Qarankeenna uga badbaadiyaan khilaaf siyaasi ah, iyo mid Dastuuri ahba ansixiyey in la isku sidko doorashada Madaxtooyada JSL iyo doorashada Ururrada Siyaasadda/Xisbiyada Qaranka isla markaana qabyo tiray Xeerarkii Doorashooyinka khuseeyey oo dhan.

Golaha Wakiiladu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee doorasho diidku dalkan ay ka wadeen. Hambalyo mar labaad.”