Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland

Somalia-(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga weydiiyey mowqifka dawladdiisa ee qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inay fashilmeen wadahahadaladii hore u dhexmaray labada dhinac,islamarkaana ay Somaliland ku jirto xiisad siyaasadeed iyo doorashooyin aan suurtagelin karin xaalad wada-hadal.

“Arrinta wadahadallada  Somaliland aniga ayaa hore uga soo shaqeeyey, laakiin natiijo wanaagsan ma dhalin. Haatan Somaliland waxay taagan tahay xaalad kala-guur ah, waxa albaabka taagan doorashadii, waxana muuqata in aanay waqtigeedii ku dhacayn, waxana halkaas ka jira khilaaf, sidaa darteed ilaa xaaladoodu degto waan isu deynaynaa, mana bilaabayno wax wadahadal ah, laakiin xidhiidh waannu leenahay madaxda dawladda iyo mucaaradka Somaliland ba, khadkuna waa noo furan yahay,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.