Ciidanka Asluubta Somaliland oo beeniyay maxbuusad la sheegay in waxyeelo loo geystay

Hargeysa-(Berberanews)-Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland, ayaa beeniyay war laga baahiyay gabadh maxbuusad ah oo lagu sheegay in waxyeelo loogu geystay Xabsiga magaalada Gabilay.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland, ayaa lagu sheegay in warkaasi yahay been abuur lagu dacaayadaynayo Xabsiyada Somaliland islamarkaana yahay war aan sal iyo raad toona lahayn.

Warka kasoo baxay Taliska Asluubta Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Taliska Ciidanka Asluubta JSL waxaa uu halkan ku  beeninayaa wararka waxba kama jiraanka ah ee 14/09/2022 oo ahayd Arbaca baraha bulshada lagu baahiyey khaasatan barta uu Facebook ku leeyahay Bakayle Media oo ah wiil ku sifoobay xog aannu hubin ama dhinacyadii ay khusaysay aannu wada waraysan inuu siidaayo, kuna sifoobay qaran dumisnimo, warkaas oo uu ku sheegayay in Xabsiga Gobolka Gabiley lagu waxyeelleeyey oo indhaha ay ku beeshay inanta magaceeda iyo faahfaahinteedu tahay (Idil
Ismaaciil Xasan ina Maryan Cabdilaahi, D/23 jir, Qodob:- 313 XCG, Xuk:-1 sanno).

Haddaba, waxaannu bulsho weynta Jamhuuriyada Somaliland u caddaynaynaa in warkaasi waxba kama jiraan yahay, tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcadda xabsiyada dalka JSL, inantaasina ahayd maxbuusad aannu mas’uul ka ahayn oo aanay marnaba suurtogal ahayn in aanu kula kacno waxyaabahaa la sheegayo. Xeerka Xabsiyada Dalka JSL ee Xr. 65/2014 aannu sinaba u cafiyin cidda ku kacda maxbuus falalka
noocaas ah, balse markii ay inantaasi waxyeellada Taliye Xabsiga ku soo war-gelisay sida ay sheegtay inantaasi aannu waalidiinteed oo goob-joog ah marinay tiraba sadexda cusbitaal ee kala ah Gebiley Hospital, Menhal Hospital iyo Haldoor Hospital oo dhammaantood caddeeyey indhaha ay ka cabanayso inantaasi in ay caadi yihiin. Balse neerfaheedu kacsan yihiin dawooyina ay u soo qoreen, horena ay hooyadeed u sheegtay in ay leedahay neerfahaas, sidaasna ay noogu war dambeysay.

Sidaa darteed, Taliska Ciidanka Asluubta JSL waxa uu u soo jeedinayaa cid kasta oo ku hawlan warar been abuur ah in ay bulshada ku jaah-wareeriyaan in ay ka waantoobaan, kiiskaasina cid kasta oo wax naga waydiiso marag iyo markhaatiyo aanu u haysano, cidda ka been abuuraysana aanu hay’adaha garsoorka aanu u gudbin doono.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com