Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay eedaysane xalay nin ku dilay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-War kasoo baxay Taliska Ciidammada Booliska Sonaliland, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedaysane xalay nin ku dilay Hargeysa.

Warka kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Ciidanka Booliska JSL  ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedaysane Cabdiqani Baashe (Daanyeero) ina Aamina Ibraahim 23 jir ah oo ku eedaysan ina uu dilay  Marxuum Cabdillaahi Ismacaiil Xariir (Dayo) ina Sahra Axmed 23jir. Eedaysanahan ayaa ku  eedaysan inuu marxuumka ku dilay toorray.

Dilka ayaa ka dhacay Degmada 31ka May ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Qandahaar xalay saacaddu markay ahayd 9:30 habeenimo

Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dedaal dheer oo ay sameeyeen saacado gudahood gacanta ku soo dhigay eedaysanaha, kuna jiro hadda gacanta Ciidanka Booliska, waxana lagu soo qabtay deegaanka Maygaagaha.

Boolisku waxa uu caddaynayaa in eedaysanaha la horkeeni doono si degdeg  sharciga.

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.

Ugu dambayn, Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku ammaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan, waxaanan ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.