Somaliland: Agaasime Xilka laga qaaday shalay oo ku geeriyooday Hindiya

India-(Berberanews)-Alle ha Naxariistii Jano haka Waraabiyo Marxuum  Cabdirashiid  Xirsi Cali Agaasimihii guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha ee xilka laga qaaday shalay, oo Ku Geeriyooday Cusbitaal Kuyaala Dalka Hindiya

Marxuum Cabdirashiid wuxuu hore u soo noqday Xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo uu Lasoo Shaqeeyay Mudo dheer.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Ayey Ceeb iyo Nusqaan Ku Tahey in Masuul Katirsan Xukuumadda, oo Xaalad degdeg ah oo Caafimaadkiisa La Xidhiidha loo Qaadey, inney Fursad Ka Raadiso, iyaddoo Taasi Tusaale u noqonaysa Guud ahaanba Masuuliyiinta Xilalka Ka haya Xukuumadda.

Allah Naxariistii Jano Haka Waraabiyo Marxuumka Dhamaan Qoyskii, Eheladii Qaraabadii, iyo Qaranka uu Ka Baxeyna Eebe Samir iyo Iimaan Haka Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin