Hargeisa-(Berberanews)-Shirweynihii urur-siyaasadeedka KAAH oo laba maalmood ka socday Hargeysa, ayaa maanta lagu doortay hoggaanka uu yeelanayo ururku.
Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa loo doortay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH, waxaana weheliya lix guddoomiye ku xigeen iyo Xoghayaha ururka oo loo doortay Khadra Xaaji Gaydh oo maayar kasoo noqotay magaalada Gabilay.
Akhriso magacyada hoggaanka koo doortay ururka KAAH.
Maxamuud Xaashi Cabdi (Guddoomiyaha Ururka)
Xildhibaan Yaasiin Faratoon (Guddoomiye xigeenka Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah)
Xildhibaan Maxamed jaamac Liibaan (Guddoomiye xigeenka maaliyadda iyo arrimaha dhaqaalaha)
Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid.
Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali(Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka).
Cabdillaahi Ibraahin Habane (Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda).
Saynab Xasan Cali (Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada).
Khadra Xaaji Gaydh (Xoghayaha Guud ee ururka).