“Maxamuud Xaashi wax baddan ayaan soo wada maray,” C/risaaq Khaliif

Hargeysa(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ka qaybgalay shirweynaha koowaad ee Urur siyaasadeedka KAAH, oo maanta ka dhacay huteelka Maansoor ee Hargeysa.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo hadal ka jeediyay shirkaa oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xubnaha shirguddoonka gollaha wakiillada, xildhibaano, siyaasiyiin waaweyn iyo ergooyin ka kala yimi gobolada dalka, ayaa sharaad ka bixiyay sababta uu uga soo qabgalay shirweynaha koowaad ee Ururka KAAH iyo waxa ku ajburay.

“Hore umaan iman xaflad Urur Siyaasadeed qabsanayo,  iimana qorshaysna inaan mid kale imaado”ayuu yidhi, Guddoomiye  Cabdirisaaq, isagoo u hanbalyeeyay Ururka KAAH, isla markaana guul u rajeeyay.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo sharaxaya sababta uu uga qaybgalay munaasibada shirka, wuxuu ku macneeyay in marka hore xubnaha shirguddoonka iyo xildhibaanada soo raacay, sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi uu yahay nin abaal ku lahaa oo dhawr iyo toban sannadoodna wax baddan soo wada mareen.

“Marka hore ragaygii ayaan soo raacay, marka labaad Maxamuud Xaashi wax baddan ayaan soo wada maray,  gacanta danbena isagaa lahaa, markaa waan abaal celinayay, ayuu yidhi, isagoo tilmaamaya doorkii uu ku lahaa Siyaasiga Maxamuud Xaashi in Cabdirisaaq  Khaliif ahaan uu noqdo Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland.