Haldoorka Labeenta Siyaasadda oo isku arkay shirweynaha ururka KAAH

Hargeysa-(Berberanews)-Shirweynaha koowaad ee Urur siyaasadeedka KAAH, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland,halkaasoo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimi Gobollada Somaliland,siyaasiyiin, Cuqaal iyo Xildhibaanno tiro badan.

Shirweynaha urur-siyaasadeedka Kaah ayaa lagu doortay hoggaanka kala duwan ee ururka oo Guddoomiye loo doortay Maxamuud Xaashi Cabdi,halka ku xigeenkiisana loo doortay Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan oo ka mid ah Xildhibaannada Wakiilkada ee kasoo baxay Gobolka Saaxil.