Taliyaha Boolisku muxu kaga jawaabay wiil la toogtay?

Hargeysa-(Berberanews)-Guddida Joogtada iyo Anshaxa Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wax ka weydiiyay Taliyaha Booliska Somaliland S.G Maxamed Aadan Saqadhi wiil dhallinyaro ah oo ay sheegeen in lagu dilay meel ka baxsan maalintii mudaharaadka xisbiyada Mucaaridka Somaliland,kaasoo markii la toogtay gaadhi lambar shicib sitaa uu jiidhay.

Su’aasha Taliyaha la weydiiyay ayaa u dhignayd sidan:

“Waxa jiray Wiil yar oo dhintay oo xabad lagu dhuftay, inankaasi meel cidlo ah oo ka baxsan mudaharaadkii ayaa gaadhi shicib ah oo taariko shicib ah ku xidhan tahay oo dhalinyaro aan dhar ciidan sidan saaran yihiin eryatay inankii, markay inyar u jireena xabad bay ku dhufteen, markii dambena intay
jiidheen bay maydkiina qaadeen, maxaad kiiskaas ka haysaa? Cidse ma loo qabtay oo ma loo xidhay?

.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa sheegay in arrintaasi jirto oo ay baadhitaan ku hayaan ciidammada Boolisku.

Taliyuhu oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi,
“Wuu jiray gaadhi lambar shicib wata oo landcruiser ah oo maalintii mudahaaraadka joogay, laakiin inuu isagu dilay iyo inuu jiidhay midna ma hayno, waanu baadhaynaa oo aniga iyo taliyihii sirdoonka ayaa baadhistaas wada wadna hadda”