Xogo dheeraad ah oo ku saabsan qaraxa ka dhacay Gobolka Sanaag

Sanaag-(Berberanews)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degaanka Milxo oo ku yaal bariga Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland caawa.

Qofka isqarxiye ayaa la sheegay in uu ahaa qoomiyadda Oromada.
Dadka ku dhaawacmay qarax ayaa dhaawacooda loo qaaday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse degaanka waxa ka agdhow kooxo Islaamiyiin hubaysan, kuwaas oo dadka degaanka iyo Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland kula dagaallama aaggaasi.