Madaxweyne Biixi oo ka qaybgalay qalinjebinta dufcaddii 10-aad jaamacadda Timacadde

Gabiley-10-09-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmahanba safar shaqo ku joogay gobollada galbeed ee dalka, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 530-arday oo ka aflaxay jaamacadda Timacadde ee magaalada Gabiley.

Munaasibadda qalinjebinta oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, hormuudka jaamacadda, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, ayaa lagu fooladeeyey ardayda qalinjebisay, iyada oo macallimiinta iyo waalidka kusoo tabcayna si weyn loo bogaadiyey.

Ugu horrayn guddoomiyaha jaamacadda Timacadde, Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo dedaalka ay ka maamu lahaan geliyeen inay jaamacaddu samayso horumar ballaadhan.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Horseed, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwo ka qayb qaata baahida dalka ka jirta iyo midda gobolkaba.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana uu guul ku tilmaamay inay jaamacadda Timacadde maalinba maalinta kasii dambaysa ay ka aflaxaan aqoonyahanno soo dhabar-adaygay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ardayda maanta qalinjebisay khudbad u jeediyey, ayaa hambalyeeyey cid kasta oo kaalin ku lahayd inay maanta halkan soo gaadhaan, waxana uu yidhi,“Waxan hambalyeynayaa oo aan u ducaynayaa dhammaan Ardayda qalinjebinaysa, waxan bogaadinayaa waalidkii kusoo tabcay, waxan bogaadinayaa jaamacadda iyo macallimiintooda, waxana qaranka farxad u ah qaranka inay usoo kordheen shan boqol iyo dheeraad dhallinyaro ah oo aqoon kala duwan leh.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xadhigga ka jaray madaxtooyo cusub oo laga hirgeliyey duleedka magaalada Gabiley, taas oo miisaaniyadda qaranka laga hirgeliyey.

Berberanews.com