Ururrada cusub ee siyaasadda oo u jawaabay xisbiyada mucaaradka Somaliland

Hargeysa – (Berberanews)-Shan ka mid ah madaxda ururrada cusub ee siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu  baaqay xisbiyada mucaaradka in ay u hoggaansamaan qaraarka Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee ku aaddan furista iyo doorashada ururrada siyaasadda. Guddoomiyeyaasha ururrada WAABERI, HILLAAC, BARWAAQO, KAAH iyo MIDEEYE – Cabdirisaaq Ibraahim Ataash, Prof Axmed Ismaaciil Samatar, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo … Maxamed Jaamac Badmaax oo shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Hargeysa maanta, ayaa si adag uga soo horjeestay hadal ka soo yeedhay hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo sheegay in aanay dalka ka dhici doonin doorashada ururrada siyaasadda oo ka soo hormarta ta madaxtooyada, kuna baaqay muddaharaadyo ay arrinkaas ku diiddan yihiin.
Guddoomiyeyaasha ururrada WAABERI iyo HILLAAC oo ku hadlay afka shanta urur-siyaasadeed, ayaa sheegay in aannu jirin madaxweyne Somaliland boqor ka noqonaya, loona baahan yahay in aan muddaharaadyo kale la samayn.
“Dhawaaqyadii ugu dambeeyey ee soo baxayay ee ka imanayey xisbiyada mucaaradka waxay ahaayeen kuwo werwerkooda leh … ma mudna madaxweyne aan xukunka dalkan joogi doonin oo aan boqor ka noqon doonin, in wixii cashadii dhowayd (muddaharaadyadii dadku ku dhinteen) dhacay ay dib innoogu soo noqdaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha ururka WAABERI Mr Ataash.
Guddoomiyaha ururka HILLAAC Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa isna dhankiisa sheegay in dhallinyarada Somaliland mustaqbal u baahan yihiin iyo in aan laysku dul qabsan.
“Si mustaqbalka loo xaqiijiyo waxaannu u soo jeedinaynaa mucaarad iyo muxaafadba, in loo hoggaansamo oo la raaco hay’adihii waddanka ugu waawaynaa hadalkaas ay soo jeediyeen, meel kale oo ummaddu ay tagtaa ma jirto,” ayuu yidhi Prof Samatar.
Wax uu intaas ku daray in xeerka furista ururrada siyaasadda ay ansixiyeen Golihii Wakiillada ee hore, golaha hadda joogaana markale meel-mariyeen, kadibna Golaha Guurtidu qallinka ku duugeen, Maxkamadda Sare iyo madaxweynuhuna ay socodsiiyeen, sidaa darteedna aanay jirin meel laga dhaafi karo.

Waxa ay carrabka ku adkeeyeen in aanay garanayn meel kale oo dood la geeyo marka intaasoo hay’adood meel-:mariyeen xeerka furista ururrada siyaasadda, waxay ay sheegeen in loo baahan yahay in cid walba u hoggaansanto xeerarka hay’adaha dastuuriga ah oo aan muran la galin.