Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray Taliska Booliska Gobolka Awdal iyo Saldhigga Dhexe ee Boorama

Boorama-09-09-2022-(Berberanewd)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa maanta kormeeray saldhigga dhexe iyo qaybta Booliska ee degmada Boorama, waxaannu halkaas kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay hoggaanka ciidanka Booliska, madaxda gobolka iyo kuwa degmada. Waxa uu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda guud Saldhigga iyo maxaabiista ku xidhan saldhigga.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo weftigiisa ka mid ah, ayaa madaxda gobolka iyo kuwa degmada Boorama u qaabilsan xukuumadda iyo hay’adaha amniga ka dhegaystay xaaladda guud ee amniga, waxana uu uga mahadnaqay sida habsamida leh ee ay hawshooda qaran u wataan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftigiisa, ayaa shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boorama kula tukaday salaaddii Jimcaha Masaajidka Abu-hurayra ee badhtamaha magaalada Boorama.