William Ruto oo wallaac ka muujiyay Soomaaliya

Kenya-(Berberanews)-Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jiraan caqabado ay adag tahay in wax laga qabto.

Mar uu shalay la hadlayay barnaamijka Amanpour ee CNN ayuu xusay in caqabadahaas ay Soomaaliya wajaheyso ay ku jiraan arrimo amni oo soo jireen ah, haddana ay macaluul ku soo fool leedahay.

“Caqabadda Soomaaliya waa mid ay adag tahay in la maareeyo, la fahmo ama wax laga qabto,” ayuu yidhi Ruto oo sheegay in uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno [madaxweyaha Soomaaliya] iyo beesha caalamka si aan u xallinno caqabadaha jira, Soomaaliyana ay ugu suurtagasho in ay iyadu danaheeda amni ka shaqeyso,” ayuu yidhi Ruto.

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa markii uu ku jiray ololaha doorashada waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS uusan ka soo saari doonin Soomaaliya.

Waxay Soomaaliya ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Ruto markii uu guushiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxabannaan ee Kenya, Wafula Chebukati.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markaas u hambalyeeyay Ruto, sidoo kalena khadka taleefoonka ayay ku wadahadleen labada madaxweyne, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale u hambalyeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad-goboleedyada.

Dhanka kale, madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u mideyn lahaa Kenya, kaddib doorashadii uu muranku ka dhashay ee uu ku guuleystay, sidoo kalena uu kaalin firfircoon uga qaadan lahaa xal u helida arrimaha ammaanka iyo bani’aadannimada ee Bariga Afrika.

Wuxuu tilmaamay in uu la xiriiray ninkii la tartamayay ee Raila Odinga, uuna u sheegay in uu dhisi doono isbaheysi ka caawin doona in dalka la isku keeno.

“Maamulka aan soo dhisi doono waxa uu noqonayaa maamul si siman ugu adeegaya dhamaan dadka Kenya, haddii ay annaga noo codeeyeen iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Ruto oo ay Isniintii guushiisa xaqiijisay Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya.

Dadka la soo xiriiray Ruto waxaa ka mid ah madax badan oo heer calami ah, wuxuuna sheegay in uu u sheegay in aysan filaneyn “isbeddel weyn” oo dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ah.

“Waxaan doonayaa inaan sare u qaado saameynta Kenya ay ku leedahay meelo badan, gaar ahaan qorsheyaasha nabadeed ee gobolka,” ayuu yiri Ruto.

“Waxaan diyaar u noqon doonaa, inaan kaalinteyda ka ciyaaro, waxaan sare u qaadi doonaa mowqifka Kenya iyo wax ku biirinta goobtaas si aan wadajir uga qayb qaadanno sidii loo sameyn lahaa gobol wanaagsan oo nabad ah.”

@Bbc Somali