Musharrax Cirro: Ma aqbali doonno muddo-kordhin aan Dastuurka waafaqasanayn

Hargeysa-(Berberanews)-Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa  soo saaray war-saxaafadeed uu kaga doorashooyinka Madaxweynaha iyo tartanka ururrada iyo asxaabta qaranka.

Musharraxa Waddani waxa uu dedaafeeyay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, isagoo eedda dub u dhaca doorashadana dusha u saaray xukuumadda.

Khudbadda Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo qoran ayaa u dhignayd sidan:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim; Alxamdu lillaah.
Waxa aan salamaaya dhammaan shacbiga reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha Axsaabta mucaaradka iyo saxaafadda madaxabannaan.

1. Doorashooyinka mar kasta waxa mudnaanta leh doorashooyinka dastuuriga ah. Sidaa darteed, ma jirto doorasho ka soo horreyn karta, doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ah doorashada Xeerarkii, kharashkeedii iyo waqtigeediiba ay dhammaystiran yihiin.

2. Ma jiro xeer diyaar ah oo lagu qabto doorashada tooska ah ee Ururrada iyo Axsaabta Qaranka, suurtogalna maaha doorasho aanay xeerkeedu dhaqangal ahayn in la qabto.


3. Doorasho aanay Xisbiyada Qaranka iyo daneeyayaashu isku waafaqsaneyn, cid qaban kartaa ma jirto, meel lagu qaban karaana ma jirto, meel laga qaban karaa ma jirto.

4. Qaraar Maxkamadeed ma noqon karo Xeer. Dastuurka ayaa waaxayaha Qaranka u kala soocay waajibaadkooda. Xeerdejinta ayuun baa samayn karta xeerar lagu galo doorashooyin, cid kale oo awooddaas leh ma jirto.


5. Ma jiraan asbaabihii xilligan aynu ku jirno muddo-korodhsi loogu sameyn lahaa Madaxweynaha ee Dastuurku tilmaamay.

6. Doorashada Madaxtooyada JSL waxa ay xilligeedii ugu qabsoomi weyday, xilgudasho la’aan iyo badheedh ku talogal ah oo dhanka Madaxweynaha ka yimi, suurtogalna maaha in xil gudasho la’aantaas loogu abaal gudo oo muddo kordhin aan dastuuri ahayn loogu sameeyo, waxa ayse ahayd in arrintaa uu ku muto ciqaab ah Maamuus-ka-xayuubin (Impeachment). Ma aqbali doonno muddo-kordhin aan Dastuurka waafaqasanayn ama aan ku iman heshiis siyaasi ah oo la isla oggol yahay. Haddii labadaas la waayo, Xukuumadda uma aqoonsan doono mid sharci ah 13 November kaddib. 

7. Shacbiga reer Somalilandow,  waxa aad ka war-haysaan in qeybo ka mid ah bulshada Somaliland iyo Hay’adaha Dastuuriga ahiba isku dayeen saddex jeer in xal loo helo khilaafka siyaasiga ah ee muddooyinkii dambe oo dhan ka jiray Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; 31 xubnood oo isugu jiray madax-dhaqameed iyo culimo, Guddoomiyayaasha Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada, iyo ugu dambeyntii Guddidii Ganacsatada waaweyn iyo Odoyaashii is xilqaamay, kuwaas oo dhammaantood Axsaabta Mucaaradka ahi soo dhaweeyeen, aqbaleenna tallooyinkii ay rabeen in lagu furdaamiyo murankaas, hayse yeeshee, dhammaantood uu fashiliyey Madaxweynaha Somaliland. Soo jeedintii Ganacsatada ee ahayd in doorashooyinka Madaxtooyada/Urururada iyo Axsaabta Qaranka la isa saaro waxa aan u aragnaa in ay tahay xal lagaga bixi karo murankan siyaasiga ah, sidaas darteed, waxa aannu Baarlamaanka Somaliland u soo jeedinaynaa iyaga oo eegaya, maslaxadda Qaranka inay waajibkooda ka gutaan meel marinta soo jeedintaas si madax bannaan oo u adeegaysa danta Qaranka.

8. Maadaama ay Xukuumadda iyo Xisbigeeduba diideen soo jeedinta Ganacsatada ee ah in labada doorasho la isa saaro, Axsaabta Mucaaradka ahi waxa ay taagerayaashooda iyo Shacbigaba ku wargelinayaan in ay sii wadayaan isu soo baxyadii Silmiga ahaa oo kuwii hore ka abaabul weyn, ka baaxad weyn kuwaas oo socon doona int axal siyaasi ah la helayo.


9. Foolxumo ka weyni ma jirto oo Qarankan loo geysto in shacbi aan hubeysnayn oo isu soo bax nabadeed oo waliba Xukuumaddu fasaxday isugu yimi in lalaayo, la jidh-dilo, xabad nool loo adeegsado, la xidhxidho, isla markaana laga fogeeyo qoysaskoodii iyo eheladoodii. Xabsiga BAKI oo aan salaasadii booqannay waxa ay nagu qaadatay 12 saacadood oo xidhiidh ah inaan tagno oo ka soo noqonno. Waa laabatan Jirow Muuse Biixi u adeegsanayo in uu ku cabudhiyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, iyo cid kasta oo tidhaahda waar ka daa dalka sida aad ku waddo!

10. Isu soo bixii nabadeed ee qabsoomay, 11kii Aug 2022, waxaa ku dhintay 7 qof, waxaa xabad nooli ku dhacday in ka badan 100 qof, waxaa la xidhay in ku dhow 300 oo muwaadin, waxa aan u soo jeedinaynaa Baarlamaanka in ay Xukuumadda kula xisaabtamaan dhammaan taciddiyadaa dhacay, sharcigana la horkeeno dadkii gabood-falkaas sameeyey, maadaama Golaha Wakiiladu Guddi arrintaas u saaray oo ay tahay in si daahfuran loo soo bandhigo.


11. Shalay waxaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi la kulmay xubnaha komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxa uu faray farriin uu leeyahay waxa aad hor qabanaysaan doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka, waxa ay ahayd fara gelin qaawan, Komishanka waxa uu Muuse Biixi u dhiibay imitaxaankii ugu horreeyey, Komishanku laba midkood bay noqon doonaan kuwa qaata amarka Guddoomiyaha KULMIYE ama kuwo waajibaadkooda iyo xil gudashadooda  u raaca shuruucda iyo xeerarka dhaqan galka ah, kuna taagnaada dhex dhexaadnimada ay kitaabka eebbe  gacanta u saareen inay garsoor dhexdhexaad ah noqonayaan Axsaabta Qaranka. Waxa aan leeyahay Ilaahay Imitaxaanka ha idiin fududeeyo.

12. Waxa weli sii socota, cabudhinta, haddidaadii iyo cago jugleynta Saxaafadda madaxa bannaan lagu waday intii uu Muuse Biixi xilka qabtay, 2 bilood ka hor waxaa la xayiray Idaacaddii Afka Soomaaliga ee BBC, isbuucyo ka hor waxaa ganaax aanay qaadi karayn la dul-dhigay Telefishinka MMTV, Shalayna waxaa Xukuumaddu soo saartay amar aan Maxkamad ka soo bixin, oo u muuqatay in Wasiiro gaar ahi ay beegsanayeen Telefishankaa Madaxa bannaan ee CBA. Arrintani maaha ugub, waxa ayse ku biiri doontaa tacaddiyadii Xukuumadda Muuse ee saxaafadda madaxa bannaan ee tira beelka ahayd.