Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ku gooddiyey inaan Dalka laga Qaban-karin Doorashooyin aan Heshiis lagu ahayn.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku hanjabay inaanay mucaarad ahaan Oggolaan Doonin Dib u dhac ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada.
Waxa uu Sheegay inaanu jirin Xeer Diyaar ah oo Jidaynaya Qabashada Doorashada Tooska ah ee Ururrada Siyaasadda.