Boqoradii Ingiriiska Elizabeth Il oo ku geeriyootay dalka Britain

England-(Berberanews)#Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geeriyootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib.

Qasriga Buckingham ayaa shaaciyay geerida boqorrada.

Raysal wasaaraha cusub ee UK Liz Truss oo ka hadlaysay bannaanka xafiiska Downing Street ayaa tidhi “dhammaanteen waan ka xunnahay warka ku saabsan dhimashada boqoradda, taas oo naxdin weyn ku ah qaranka iyo adduunka oo dhan”.

Waxay boqoradda ku tilmaantay “Aas-aasaha Britain-ta casriga ah ku dhisneyd”, iyadoo raacisay: “Britain waa dal weyn maanta iyada darteed.”

Waxay sheegtay in boqoraddu ay dhiirigelin u ahayd iyada iyo sidoo kale dad badan oo British ah.

“Ka go’naanteedii waajibkeeda ayaa tusaale inoo ah dhammaanteen.”

Markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida Boqorada ee qasriga Balmoral, tuulada Ballater oo u dhow qasrigaas ayaa gashay waqti aamusanaan ah.

Codka kaliya ee la maqlayay ayaa ahaa gambaleelka kaniisadda ee ku taalla badhtamaha tuulada.

 Mar sii horreysay qoyskeeda ayaa ku soo xoomay tuuladaasi iyadoo uu sii kordhay walaaca laga qabay xaaladeeda caafimaad Khamiistii.

 Waxay xilka la wareegtay sanadkii  1952 waxayna goobjoog ua ahayd isbadello badan oo dhinaca bulshada ah.

Wiilkeeda curadka ah Charles ayaa hadda noqonaya boqor. Wuxuu geerida hooyadii ku tilmaamay  “xilli murugo badan”

Qoraal uu soo saaray ayuu ku yidhi,” Murugo ayay inagu haysaa geerida hooyadeydii aadka loo jeclaa. Waan ogahay in geerideeda si weyn looga dareemaya dalka, dalalka Barwaaqa-sooranka iyo dad aan la soo koobi karin oo dunida ku nool.”

Wiilka ay ayayda u tahay William ayaa joogay halka ay ku geeriyootay boqoaradda. Walaalkii Harry ayaa  hadda ku soo socda halkaa. 

Intii ay boqoradda ahayd, UK waxaa soo martay 15 raysal wasaare.

@Bbc Somali