Xukuumadda Somaliland oo albaabada u xidhay telefishanka CBA

Hargeysa – (Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa albaabada u xidhay muuqbaahiyaha Codka Bariga Afrika (CBA) oo xaruntiisu tahay caasimadda Hargeysa, kadib markii ay ku eedeeysay inuu caadaystay baahinta arrimo liddi ku ah amniga qaranka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland maanta oo si gaar ah loogu socodsiiyey madaxda muuqbaahiyaha CBA, ayaa lagu amray inay gebi ahaanba joojiyaan hawlihii warbaahineed ee telefishinku ka waday gudaha dalka, isla markaana lagala noqday ruqsaddii shaqada.

Waraaqda amarka xayiraadda ah ee shaqada lagaga joojiyey muuqbaahiyaha CBA lagu qoonsaday, waxa lagu xusay in telefishinku si joogto ah u baahiyo barnaamijyo iyo warar liddi ku ah ammaanka qaranka Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo goob fagaare ah ka hadlayay 28 bishii May, ayaa qaar kamid ah warbaahinta ku eedeeyay in ay faafiyaan fikradaha ururkii Al-Itaxaad, iyadoo markii dambe falcelin CBA ka soo noqotay ay caddaysay in Abokor uu u jeeday muuqbaahiyahan.
Wasiir Abokor ayaa markaa soo jeediyey in warbaahinta CBA tallaabo laga qaado, isagoo ku eedeeyey inuu darajeeyo madaxdii ururka xagjirka ahaa ee Itaxaad.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo 31 August ka qaybgalay xafladdii qallinjabinta 19-aad ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa warbaahinta qaar ku eedeeyey in ay u shaqeeyaan hab sharciga baalmarsan.

Xukuumadda Somaliland ayaa sannadihii la soo dhaafay albaabada isugu dhufatay warhaahin kala duwan, kuwaasi oo markii dambe qaarkood xal laga gaadhay arrintooda dibna loo fasaxay, waxana warbaahinta ilaa iyo hadda xayiraaddu saaran tahay ka mid ah idaacadda BBC, oo 19 July laga joojiyay shaqadii ay ka haysay gudaha Somaliland.