Somaliland: 5 Gacan-ku-dhiigle oo la qiyaasi doono berri Salaasada

Somaliland-(Berberanews)-Shan gacan-ku-dhiigle oo in muddo ah ku jiray xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qisaas toogasho ah lagu fulin doonaa duleedka Xabsiga Mandheera gelinka hore ee berri Salaasada.

Goobta lagu fulinayo toogashada shanta gacan-ku-dhiigle oo ku dhow Jeelka Mandheera, ayaa lagu sii diyaariyey qubuuraha lagu aasi doono marka la toogto ayaa sida ilo xogogaal ah xaqiijiyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa muddadi uu talada dalka Somaliland hayey waxa dhowr jeer oo kala duwan la fuliyey dilal qisaas ah.
Maxabiista dilka lagu fulinayo berri ayaa xukunka qosaastooda la mariyey dhammaan hannaanka caddaaladeed ee kala sarreeya.