Maxkamadda Sare ee Kenya oo taageertay guushii William Ruto iyo Odinga oo aqbalay

NAIROBI —(Berberanews)-Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, ayaa taageertay natiijada doorashadii Guddida Doorashadu hore ugu shaaciyeen in William Ruto ku guuleystay xilka Madaxweynenimada.
Go’aan Maxkamadda Sare ee Kenya soo saartay maanta, waxay ku diiday dooddii Ra’iisal-wasaarihii hore ee Raila Odinga oo ku eedeeyey in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii August.
“Tani waa go’aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay
madaxweynaha la doortay,” ayey tidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Martha Koome.
Dhinaca kale, Raila Odinga oo markii shanaad ku guuldarraystay madaxtinimada Kenya, ayaa sheegay in uu ixtiraamayo go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare oo ay ku taageertay guushii uu musharraxa la loollamayey William Ruto, inkastoo uu sheegay in uu “si weyn uga soo horjeestay.”

“Waxaan mar walba u taaganahay sarreynta sharciga iyo dastuurka, arrintaasi waxaan ku ixtiraameynaa fikirka Maxkamadda, inkasta oo aan si weyn uga soo horjeedo go’aankooda maanta,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray kadib go’aan mideysan oo ay garsoorayaasha  Maxkamadda Sare wadajir u gaadheen maanta.