Wiil 4 jir ah oo ku dhintay Dooxa Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Wiil yar oo da’diisa 4 jir lagu sheegay ayaa ku dhintay dooxa Hargeysa goob ay biyo fadhiisteen galabta.

Waa wiilkii labaad ee ku dhinta  dooxa Hargeysa dhawr bilood gudahood. Maydka ilmaha yar ayaa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Laba goobood oo kala duwan ayay ku dhinteen labada wiil.

Ma jiro war kasoo baxay ciidammada ammaanka iyo masuulliyiinta Hargeysa midkoodna.