Midowga Afrika oo Wakiil usoo magacaabay Soomaaliya

Somalia-(Berberanews) -Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa u soo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka ku meel gaadhka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS Mohammed El-Amine Souef.

Danjiraha cusub ee maanta loo soo magacaabay Soomaaliya Mohammed Al-Amine Souef ayaa badalaya Wakiilkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasoo dalka ay ka ceyshisay Xukuumaddii hore ee Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble bishii Apriil ee sanadkaan 2022-ka, xilgaas oo Xukuumaddii Rooble ay ku eedeysay Danjire Francisco Madeira inuu yahay shaqsi aan dalka laga rabin oo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa gaarka aheyd ee Wakiilka Midowga Afrika.

Wakiilka cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Mohammed El-Amine Souef ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Comoros oo uu ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Comores iyo Safiirka dalkaasi u fadhiyay dalka Masar.

Mohammed El-Amine Souef oo ah 59 jir ayaa sidoo kale sanadahii 2011 ilaa 2015-kii soo noqday madaxii howlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Sudan.

@hiiraan