Faysal Dheere Iyo Maamule Habane oo Khilaaf la dhex Qaraxay

Qore Cabdilaahi Jaamac

Faysal Dheere oo Kastamka Berbera kawada Falal awood maroori ah kuwaasi oo u muuqda inuu ku soo duulay
Maamulaha Kastamka Berbera Axmed Maxamed Habane, oo masuuliyadaasi u haya bulshada Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland ugu magacaaban Xilkaasi, balse
Faysal Aadan Yuusuf oo loo garan ogyahay ( Faysal Dheere) ayaa maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Magaalada Berbera iyadoo la sheegay in qorshihiisu ahaa kala talinta maamulka hababka cusub ee ay Wasaarada ka wado Kastamada Iyo goobaha Kale ee Dakhliga, iyadoo sidaasi ay ahayd ayaa maalmihii u dambeeyey waxa la arkayay Faysal Dheere oo isticmaalaya awood ka baxsan oo aan loo soo magacaabin isla markaana shaqaalihii iyo Ganacsatada ku dhex jira badeecooyinka baxayana qaarna leh sii daaya qaarna leh hubiya, isticmaalka awoodaasi ayuu maanta ku warhelay Maamule Habane markii uu weydiiyeyna Faysal Dheere waxa uu u muuqda qof awood kale isticmaalaya taasoo aan la garanayn waxaanu Maamuluhu ku yidhi Fasax ayaan u haystaa hawlkasta oo socota isagoo aan xusin cid u dirsatay.
kastamka Berbera ayaa saaka aad looga dareemay khilaafka shaqo ee Faysal Dheere ka dhex abuuray shaqada dhexdeeda u dhexeeya Faysal Dheere iyo Maamule Habane.

Maamule Habane waxa uu u sheegay inuu arinkiisa u gudbin doono Madaxda sare ee Wasaarada Maadaama uu darjiidhay Wixii loo soo diray. Faysal Dheere ayaa lagu Xasuustaa isticmaalka awoodaha sharciga ka baxsan iyadoo dadka reer Somaliland ay xasuustaan Awoodii uu kulahaa Kastamka Saylac xiligaasi oo la kala garan waayay inuu yahay Danjiraha Jabuuti Somaliland u fadhiya, iyo ilaaliyaha Badeecooyink labada u kala gudbaya, Tan iyo markii ay dhalatay Xukuumada Madaxweyne Biixi oo uu xilka ka qaaday Wasiirka Maaliyada ee ugu horeeye Mr Yuusuf majiro mansab loo magacaabay. Shaqada darjiidhka ee Faysal Dheere ka bilaabay Kastamka Berbera ayaa waxyeelo u geysan doono Ganacsatada kala baxaysa Badeecadaha Kastamka Berbera waxaana lagu waayi doono Dakhliga kasoo kastamka Berbera oo iminka la ogsoonyahay inuu aad u sareeyo.
Khilaafkan Maamul ayaa la filayaa in Madaxda Sare ee Wasaaradda Maaliyadu ka falceliso.

Qore Cabdilaahi Jaamac Berbera, Somaliland