Somaliland: Golaha Wasiirrada oo go’aanno kasoo saaray doorashooyinka

Hargeysa-(Berberanews)-Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa go’aamo ka soo saaray mowqifka xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka, jidka sharciga oo keliyana loo mari karo xallinta khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo xoojinta amniga gudaha ee dalka.