Ciidamada Tigrayga oo beeniyay in diyaarad la soo riday

Tigrai-(Berberanews)-Maamulka Tigreega ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay dowladda federaalka Itoobiya ee ku saabsan in la weeraray diyaarad hub u siday Tigrayga.

Mid kamid ah sheekadan ayaa wasaarada gaashaandhiga waxa ay ku sheegtay in diyaarada ay ka timid hawada dalka Sudan kadibna la toogtay.

Isagoo ka jawaabaya Getachew Reda, oo ah lataliyaha hogaamiyaha Tigrayga, ayaa ku tilmaamay dowladda federaalka inay tahay “Madadaaliso”.

“Waxay samaynayaan sheeko ku saabsan diyaarado hub u siday Tigray oo mid ka mid ah ay soo rideen ciidamadooda cirku, waa been cad!” 

Bayaan ka soo baxay maamulka Tigreega ayaa lagu yidhi: “Ma jirto diyaarad soo gashay Tigray, sidoo kale diyaarad mala-awaal ah lama soo ridin.”