Raysal-wasaarihii hore ee Malaysia oo lagu xukumay 12 sano oo xadhiga

Malaysia-(Berberanews)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysiya, Najib Razak, ayaa wajahaya labo iyo toban sano oo xabsi ah, ka dib markii uu ku guuldareystay racfaankii ugu dambeeyay ee uu ka qaatay dambiyada la xidhiidha musuqmaasuq ee laguso eedeeyay.

Waxa si toos ah looga soo galbiyay qolka maxkamada oo xabsiga loogu taxaabay waxana lagu helay xatooyo ka dhacday sanduuqa maalgashiga dawlada.

Balaayiin doolar oo la rabay in lagu kaabo kobaca dhaqaalaha Malaysia ayaa la xaday, taasoo ka mid ah fadeexadaha maaliyadeed ee ugu waa weyn adduunka.

Mr Najib waxa la xukumay laba sano ka hor laakiin xiligaasi lama xidhin maadama uu racfaan qaatay.

Najiib Razak oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kiiskiisa si cadaaladda waafaqsan aan loo wajihin.