Somaliland: Xukuumadda oo sheegtay inaanay jirin cod boolisku si badheedha u toogtay

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay in aanay jirin cid si badheedh ah ay booliska Somaliland u toogteen maalintii muddaharaadka mucaaridku soo abaabulay shaqaaqadii ka dhalatay ee dhimashada iyo dhaawaca sababtay.

Waxaa kale oo uuka hadlay aaskii Marxuum Hadraawi iyo sidii looga soo qayb galay oo uu uga mahad celiyay weftiyada ka socday dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxaanu intaa ku daray in mucaaridku meelihii loo asteeyay ee loogu ogolaaday muddaharaadka in ay ka soo gudbeen oo ay jabiyeen heshiiskii loogu ogolaaday muddaharaadka.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo ugu horrayn ka hadlayay Qaban qaabadii iyo ka soo qayb galkii ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, waxaa uu yidhi. “Marka hore geeri ayay ahayd qaranka Somalland ku dhacday ALLE Samir iyo iimaan ha innaga siiyo dhammaanteen Hadraawi na ALLE ha u naxariisto waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa weftiyada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ka yimi oo laba wefti oo miisaan leh kaga soo qayb galay Aaska Marxuum Hadraawi dad kale oo badan oo dalka gudihiisa iskaga kala yimi iyo dad caalamka ka yimiba way ka soo qayb galeen.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay sababta Xukuumaddu ugu ogolaatay dalka in uu yimaaddo Yuusuf Garaad oo xilal ka soo qabtay Soomaaliya,ayaa ku jawaabay in aanay ka xukuumad ahaan xil uu hadda hayo in anaay ogayn si shaqsi ahna uu uga soo qayb galay Aaska Marxuum Hadraawi oo ay saaxiib iyo wada shaqayn ba lahaayeen taasina aanay ahayn wax siyaasad laga dhex dayo in aanay ahayn waanan arkayay xisbiyada mucaaridka oo ka hadlayay iyagoo la joogay oo ay is dhinac taagnaayeen kuwa markii dambe ka hadlayay.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay muddaharaadkii Hargeysa xisbiyada mucaaridku ku qabteen iyo dhibaatadii ka dhalatay, ayaa sheegay in ka wasiir ahaan in uu ka mid ahaa xubnihii mucaaridka ay ka wada hadleen qabashada muddaharaadka isla markaana loo ogolaaday in ay xafiisyadooda ku qabsadaan laakiin ay soo dhaafeen dhibku marka ay dhacdayna ay ahayd markii ay xafiisyadooda ka yimaadeen ee ay dadka soo hor keceen laakiin ma jirto cid si cad boolisku u toogtay waanan ka xunnay in rabshadahaa dad innagagag dhintaan waanan ka tacsiyaynaya shicib iyo boolis ba dadkii dhibku ka soo gaadhay.”