Baydhaba: Maxkamad Milateri oo xukun ku riday 15 qof

Baydhaba (Berberanews)- Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba, ayaa sheegaya in maxkamadda milateriga ah ay xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo lagu helay inay gaysteen fal dambiyeed kala duwan oo la xidhiidha argagixisada.

Dadka la xukumay, ayaa iskugu jira rag yo dumar. Mid ka mid ah 15-ka qof ee la xukumay, ayaa lagu xukumay 15 sano kadib markii lagu helay inuu gaysanayay weerar uu doonayey inuu u adeegsado bambo hase yeeshee ay ciidanku qabteen intii aan weerarku dhicin, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Lix qof, ayaa iyagana lagu xukumay min 10 sano, halka siddeed kale lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah.

Siddeedda qof ee lagu xukumay min shan sano waxaa ku jira saddex dumar ah oo midkood xabsigeeda aan lagu fulinayn, hase yeeshee ay ciidamada amnigu dusha kala socon doonaan.

Go’aamadan, ayaa maanta maxkamadda milateriga ah ay kaga dhawaaqday magaalada Baydhaba dhagaysi halkaasi ka dhacay.

Qareennada u doodayay dadkaasi lagu helay dambiyada, ayaa ku dooday intii maxkamaddu socotay in duruufi u gaysay falalka lagu soo eedeeyay, qaarkoodna ay ka hadheen fikirka, iyaga oo ku dooday in la sii daayo. Qareennada ayaan weli rasmi ahaan ula hadlin saxaafadda.