“Alle waxa uu barakeeyay Jamhuuriyadda Somaliland” Tibor Nagy

Tibor Nagy, Xoghayahii Hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, oo hadda jooga Somaliland, ayaa waxa uu twitterka ku sheegay in dadka neceb Somaliland iyo dabadhilifkoodaba ay suntooda xiqdiga leh ay ku tufi karaan Somaliland, haseyeeshee xaqiiqada jirta ay iftiiminayso beentooda.

Tibor Nagy waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay qaran kor u kacaya, xasiloon, leh horumar iyo fursad, ahna in lagu daydo.

Waxa uu yidhi Woodrow Kroll:”Isku day in aad tiriso nimcooyinkaaga, waxa aad heli doontaa wakhti yar, oo aad ku tiriso waxyaabaha kale ee nolosha”.

Runtii, dadka ugu nasiibka badan Soomaalida ku nool Geeska Afrika, waa dadka reer Somaliland, iyo wadankooda Jamhuuriyada Somaliland.Tiri nicmooyinka aad haysato!

Intaas uu sheegay waxa aan ku daraynaa in marka Maraykanka uu saldhigiisa ugu horeeya ka furo Berbera, aqoonsi caalami ahna uu ku yimaado mudo toban sano ah gudahood, shirkadaha caymiska Maraykanka ay yimaadaan Somaliland sida shirkadaha American International Group,Liberty Mutual iyo Prudential Financial, markaas waa markii aad ogaan lahayd in barakada Ilaahay ay ku da’ayso sida roobka oo kale Jamhuuriyada Somaliland.