Sudan: Ku dhawaad 100 qof oo ku dhintay roobab

Sudan-(Berberanews)-Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay daadad ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi ay gaadhay 77 qof.

Afhayeen u hadlay ciidamada gurmadka degdega ah oo lagu magacaabo Brigadier Abd al-Jaleel Abd-al-Haleem, ayaa BBC-Carabiya u sheegay in kumannaan guri ay gabi ahaanba burbureen, iyadoo gobollada webiga Niil iyo Al-Jaziira ay saameynta ugu daran ku yeelatay.

Kumanaan kiiloo mitir oo isku wareeg ah oo dhul beereed ah ayaa biyo hoostooda ku jira.

Maamulada deegaanka ayaa bixiyay teendho iyo raashin, balse waxay ka codsadeen dowladda Khartoum iyo hay’adaha caalamiga ah in gargaar lala soo gaadho  si looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.