Somaliland oo aas qaran loogu sameeyay dadkii ku dhintay mudaharaadka

Hargeysa-(Berberanews)-Waxaa maanta magalada Hargeysa lagu aasay 3 qof oo ku dhintay mudaharaadkii 11-kii bishan August ka dhacay Hargeysa, iyadoo xukuumadda Somaliland ay qaadatay bixinta diyadda ama magta dadkii ku dhintay mudaharaadkasi.

Masuulliyiinta Xisbiyada Mucaaridka,xukuumadda iyo boqollaal shacaba ayaa kasoo qaybgalay aaska dadkaas.