Hargeysa: (Berberanews)-Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD iyo xukuumadda Somaliland oo ka wadahadlay qorshe lagu qiimaynayo sidii magaalada ganacsiga ee Tog-wajaale looga fulin lahaa mashaariic shaqooyin loogu abuurayo dadweynaha magaalo-xuduudeedaas ee kala deggan dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya.
Qiimayntan oo soconaysa muddo 5 casho ah, ayaa si rasmi ah u bilaabmi doonta Khamiista berri.