Somaliland oo aqbashay bixinta magta dadkii ku dhintay muddaharaadka

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa aqbashay inay bixiso magta dadkii ku dhintay muddaharaadkii dhowaan dalka ka dhacay sida ay shaaca ka qaadeen caawa guddi cusub oo isu xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka cakiran ee ka dhex aloosan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka, kadib markii ay kulamo la yeesheen labada dhinac.

Sidoo kale, xukuumadda ayaa ballanqaaday inay bixin doonto daaweynta dadka ku dhaawacmay muddaharaadka.
Arbacada berri ah ayaa aas qaran loogu samayn doonaa Hargeysa saddexdii qof ee Hargeysa ku dhintay sida musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu sheegay galabta.
Dhinaca kale, taageerayaasha mucaaradka, gaar ahaan kuwa xisbiga WADDANI ayaa si adag uga soo horjeestay xubnaha ergeda cusub oo ay ku tilmaameen inay gacan-yarayaasha Madaxweyne Biixi.