Ethiopia oo soo gebogebaysay wajigii 3aad ee buuxinta Biyo Xidheenka

Ethiopia-(Berberanews)-Dowladda Itoobiya ayaa soo gabagabeysay wejigii saddexaad ee buuxinta biyo-xidheenka weyn ee ay ku leedahay webiga Blue Nile, sida ay dowladdu sheegtay Jimcihii, hannaankan oo weli ka sii cadhaysiinaya dalalka uu xurgufka siyaasadeed la dhex abuuray webigu ee Masar iyo Suudaan.

Addis Ababa ayaa sheegtay in biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku kacaya 4 bilyan oo doollar, uu muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaheeda, balse Masar iyo Suudaan waxay u arkaan mid khatar weyn ku ah sahaydooda muhiimka ah ee biyaha.

Itoobiya ayaa GERD u aragta xuddunta ay ku doonayso in ay ku noqoto dalka ugu weyn ee u dhoofiya tamarta Afrika, iyada oo la saadaalinayo in uu qaadi karo in ka badan 6,000 oo megawatts.

“Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in si guul ah loo soo gabagabeeyay buuxintii 3-aad ee GERD,” xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku sheegay Twitter-ka, isagoo intaas ku daray in Itoobiya ay ka shaqeynayso “sidii loo xaqiijin lahaa faa’iidooyinka dalalka uu ka soo faafo”

Berberanews.com
Info@berneranews.com