Somaliland: Taliska Booliska oo ka hadlay khasaaraha Mudaharaadkii maanta

Hargeysa (Berberanews)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay ka warbixiyeen khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Mudaharaadyadii saaka ka dhacay magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Rabshado ka dhashay mudaharaadyo ay mucaaradka Somaliland saaka ka dhigeen qaar ka mid ah magaalooyinka waa wayn ee Somalilad, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in khasaarihii mudaharaadyada maanta ka dhashay ay noqdeen inta la xaqiijiyay 3 Qof oo dhimasho ah, halka sidoo kale sheegeen inay  dhaawacmeen 62-Askari.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Booliska, ayaa waxaa ay sheegeen in dadkii Mudaharaadayay ay siteen Qoryo, Midiyo, Wadhafyo iyo Budad, islamarkaana ay Ciidamada ku qaadeen dagaal toos.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in masuuliyada dhibaatadii ka dhalatay mudaharaadyada aya qaadayaan masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku.