Mucaaradka Somaliland oo fariimo isbarkan u diray madaxweyne Muuse Biixi.

Hargeysa – (Berberanews)Madaxda xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI,  ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu hanjabay in anay madaxweynenimo u aqoonsan doonin haddii doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda dib uga dhacdo.

Musharaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ku bad baadayso doorasho xor oo xalaal ah, waxaanu madaxweynaha ugu hanjabay in aanu aqoonsan doonin haddii 13 November la gaadho doorasho la’aan.

Waxaanu.”Taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ahi ha noolaadeen, cidkasta oo dimuquraadiyada Somaliland taageeraysa ha noolaato, Somaliland doorasho xor oo xalaal ah ayay ku nabadgalaysa, ku badbaadaysa, 13 November hadii ay doorashadii madaxtooyadu dhici waydo waynu u simanahay kursiga”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isna sheegay in madaxweynuhu uu kursiga ku joogi karo rabitaanka shacbiga oo kali ah.

Waxaanu yidhi. “Muusow kaare ku ilaalin maayo, rabitaanka dadka ayaa lagu joogaa”.

Madaxda mucaaradka ayaa boqollaal taageerayaal ah kula hadlay magaalada Hargeysa, kadib markii ay mudaharaadayaashu ku qasbeen in ay kasoo baxaan xafiiska xisbiga ee xaafada New Hargeysa, oo ay hogaamiyaan mudaharaadka.