Cali-guray oo si gaar ah uga hadlay xadhigga Xamarje

WAA MAXAY SABABTA LOO XIDHAY?
Guddoomiye xigeenka WADDANI , Xamarji oo xataa aan muddaaharadkii ka qaybgelin ayaa baabuurkii uu watay baabuur kale isku dhaceen. Toos baa gaadhiga kale kiisa loogu dhuftayna dad baa sheegaya. Shilkii dhacay oo Taraafiggu gacanta ku hayo ayay CID-du qasab kagala wareegtay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo gacanta ku hayay baadhista shilkii dhacay. Isla markiina Xamarji ayaa la xidhay. Taas oo caddayn u ah in shilka dhacay aanu caadi ahayn ee arrin qorshaysan oo si toos ah loogu bartilmaameedsaday Guddoomiye xigeenka? Waa ayo cidda sida gaarka ah u bartimaameedsatay Xamarji ee amarka bixisay in la qabto. Waa laguu yaqaan.