Hadaad Been Badantahay Waa inaad Xusuus Badnataa!!

Xeerkan Xeer.Lr.51.2012 Gollihii Wasiirada Ee Ansixiyay Gud Xirsibaa Ugu awood badnaa, Oo Chief of Cabinet ahaa, Sidoo kale  Isla Musharax Craxmaan Ciro ayaa shirgudoominayay gollaha isagaana ku saxeexan xeerkan maanta haysta, Markaas sabab ay ku diidaan inay dabaqaan maba jirto, ee bulshaday caqligooda caayayaan oo ay u sheegayaan inaanay waxba Weelaynin.

Waxaanay ahayd hadii ay dhab ka tahay oo ay aaminsan yihiin in xeerku uu xuquuqo distooriya  ka hor imanayo, Intaanay dadka banaanbax ka dalban, waxay ahayd Inay dadka cafis iyo saamaxaad ay waydiistaan madama ay u sameeyeen dadka xeerkaas ay ina leeyihiin xuquuqo distooriya ayuu ka hor imanayaa, anigu maba aaminsaniye hadiiba ay jirto yaa sameeyey ee u codeeyey ee ku saxeexan aynu iswaydiino.

Xildhibaanada gollaha wakiilada iyagana midbaa la gudboon oo waxaa la gudboon in xeerarka gollahooda kasoo baxay waxii ay khalad ku arkaan inay saxaan si bilaa danayn ah, intaas waxii ka baxsan xasaanadoodu iyagana maahaa quraan mansal ah oo samada ka soo dagay, waxaanay xildhibaano inoogu yihiin xaashiyahaas yar yar ee qodobaysan, markaas hadii ay ixtiraamiwaayaan xeerkii gollahooda kasoo baxay oo ay u durbaano qaataan rabitaanada shakhsiga ah, waxaa marag madoon ah in sharcigu uu talaabo ka qaadayo.

Ciidamada Booliskuna Way ku mahadsan yihiin inay ku ilaaliyaan xeerka kuwii soo saaray ee dastuurka waafajiyay ay diidan yihiin.

Rabi Tallo u Daa.
Garyaqaan. Yuusuf Biixi”Talasame”