Somaliland: Wasiirro baaqyo amniga la xidhiidha u kala diray shacabka iyo mucaaradka

Hargeysa -(Berberanews)-Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa baaqyo la xidhiidha xoojinta iyo ilaalinta amniga u kala diray shacabka iyo xisbiyada mucaaradka.

Wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in ay nabadda ilaaliyaan, iyagoo axsaabta mucaaradkana u soo jeediyey in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka.
Ugu horreyn, Wasiirka Beeraha Somaliland Eng. Cabdulqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in Somaliland sharci ku dhisan tahay, madaxweynuhuna doorasho ku yimid, doorashana ku tagayo, isla markaana in cayimidda muddada doorashadu ay tahay masuuliyadda guddida doorashooyinka.
“Dadwaynow sharciyo ayaynu ku dhaqmaynaa, xukuumad ayaynu nahay, waynu is daba joognaa, waa qori isku dhiib. Cod ayuu ku yimid Muuse Biixi Cabdi, codna wuu ku baxayaa.”
“Xeer number 91 faqraddiisa 1-aad wuxuu leeyahay Komishanka ayaa cayimaya xilliga la qabanayo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey Wasiir Iimaan.
Sidoo kale, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa isna dhankiisa mucaaradka ugu baaqay inay ilaaliyaan sharciga, isaga oo waydiiyay haddii ay maanta ilaalin waayaan sida ay berri u ilaalin doonaan haddii ay madax noqdaan.
“Xisbiyada mucaaradka waxaanu u sheegaynaa bini’aadamka iyo xayawaanka waxa u dhexeeyaa waa xeerka iyo nidaamka iyo kala danbaynta.
Dalkani waa dalka aad doonaysaan in aad berritoole xukuntaan, haddaydaan sharcigiisii maanta ilaalinayn, berri sideed ummadda kale u xukumaysaan,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiweli.
Xubno kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dadweynaha iyo mucaaradka ku boorriyey muhiimadda ilaalinta amniga iyo xasilloonidu u leeyihiin horumarka dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Baaqa Wasiirrada ayaa yimi maalin kadib markii xisbiyada mucaaradku ku dhawaaqeen inay muddaharaadyo ballaadhan ka samayn doonaan guud ahaan gobollada dalka 11-ka bishan August oo ku beegan Khamiista toddobaadkan.