Midowga Afrika oo cambaareeyay Duqayn Israel ku qaadday Falastiin

Afrika-(Berberanews)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza ee Falastiin.

Duqeymaha Israa’iil waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix carruur ah.

“In la beegsado dad rayid ah waa tallaabo kasoo horjeeda xeerarka caalamiga ah, Midowga Afrika wuxuu Falastiin ku taageerayaa dadaallada ay ku doonayaan inay ku noqdaan dal madaxbanaan oo ay caasimaddiisu tahay Bariga Quddus” ayuu ydhi Moussa Faki Mahamat.

Hadalkan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa imaanaya saacado uun kadib markii kooxda hubeysan ee ka dagaallanta Falastiin ee Islamic Jihad iyo Israa’iil ay wada gaadheen heshiis xabad joojin ah.