Kornayl Maxamed Kaahinow Dhar shicib sida loo xidhaa fudud, se Dimuqraadiyad sida loo Dhidbaa Adag!. 

Waxa maalmahan danbe ay Hadalo Dumuqraadiyada ku lidi ahi kasoo burqanayeen Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka arimaha gudaha Mudane Kornayl Maxamed Kaahin Axmed, isaga oo Kornayl Maxamed arimaha muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xisbiyada qaranka Jamhuuriyada Somaliland u wajahaaya qaabkii Kacaankii shuuciga ahaa, Askartii hormoodka u ahayd kula dhaqmi jireen ciddii ka rayi iyo fikir duwan, kana aqoon iyo qorshe gedisan, iyada oo qaladka ugu weyn ee jiraa yahay, sida aynu lawada socono Jamhuuriyada Somaliland waxa ay leedahay Saddex Xisbi qaran oo gudboon, oo tartan iyo anaa kaa qorshe wacan oo wadanka haggaaya ka dhaxayso, ama dhex taalo, hase yeeshee waxa aad moodaa in aanay Kornaylada Kulmiye Hormoodka u ahi taa ka dhacsan yihiin!, waayo Jamhuuriyada Somaliland waa Dal Dumuqraadi ah oo leh habka  Xisbiyada badan, Xisbiyada qaranku way gudboon yihiin waana Xisbiyo ay kala taageeraan shacabka siman ee gudboon ee walaalaha ah ee Waddanka iyo Qaranka wada leh ee wada dhistay ee wada dhawranaaya Jamhuuriyadan Somaliland ee Barakaysan ee qaaliga ah. 

Waxa Hadaba nasiib daro ah in Kornayladu Iskusoo baxa salmiga ah ee ah in shacabku xaq u leeyihiin iskusoo-bax ama banaanbax ay kaga cabanayaan waxay tabanayaan inay dhigi karaan, se taa xukuumada Xisbiga Kulmiye Uma ogola Xisbiyada qaranka ee la gudboon ee sida weliba ku cad dooroshooyinkii Baarlamaanka iyo deegaanka ee ugu danbeeyey, helay ee haysta Aqlabiyada shacabka Somaliland Saddex meeloow laba meellood, se taa ma garawsana ama kama raadridsana Kornaylada Kulmiye, waayo maaha rag lagu Gardaadiyey Doorasho, oo lagu barbaariyey Dumuqraadiyad oo lagu anqariyey Talo wadaag iyo Dan-wadaag, se Runtii waa rag uu u Wan-qalay Kacaan shuuci ah oo uu horkacaayey agnaan kali talis askari ahi, Dumarbaa layidhi Feedh Qaloocdaa laga abuuray, hadaba Askarina Dig iyo Digtoonow Maalintii layidhi ayaa La Qaloociyey, oo markaa Labadaba lama toosin karo!, Mida kale Askariga waxa loo carbiyaa oo loo tab Baraa sida wax loo dilo ee loo rogo, cidda ku andacoonaysa Askar ayaa dawlad tisqaada oo taabo gal ah oo dheef iyo dhigaal leh ayey dhidbi, dhab ahaan kaa sabiga iminka dhashay ayaa ka garaad roon, waayo sabiga marka baahi ama gaajo qabato ama xafaayadu ku qoydo wuu ooyi oo ilmada majoojiyo ilaa waxa uu doonaayo loo fulliyo maahee, Bal Somaliland Ummaddeedu waa Aqoonyahan indheer garad ah se waxa ay darsi kari waayeen Sooyaalka taariikhda aduunka iyo waxa Askar iyo xukun, dhacdo soo kalamaray, 

Bal day Kaastaro, Migiste Xayle-maryam, Sadaam Xuseen, Qadaafi, Iidi Amiin, Maxamed Siyaad Bare iyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi oo far khad loo daray, se fiqi tolkii kama Jano tago!, doonaya inuu kaga dhigo, iyo Kornayl Maxamed Kaahin Axmed oo waranle ahaan ugu diwaan gashan!. 

Hadal iyo dhamaan Ururadii in la furo hadii laysku raacay waa caadi, se xisbiyada hore waxay XAQ u leeyihiin in ay LABA jeer tartamaan sida shuruucda la dhigtay sheegayso Mar way tartameen oo Kulmiye ayaa helay markii labaadna waa 13/11/12 mudada ay ku began tahay, Xisbiyada cusub u tartankooduna waa bisha 12aad, salaad faral ah wakhtigeedii oo jaaga oo la aqiimay ruux sune xidha yidhi ayey la dhawaaq tahay tay Kornaylada kulmiye ku andacoonaayaan, Runtii dhib iyo burbur iyo bayhoof laga war keen Jamhuuriyadan barakaysan waa loo dhintay oo loo qaxay oo loo waashay oo loo curyaamay oo loo dhalan-gadoomay oo loosoo maray Waxaan laga sheekayn karahayn, maanta waa la dhistay oo la Dhidbay oo nabad iyo Dumuqraadiyad lagu noolyahay cidna inay amarkutaaglayn Tabtii faqashta ku haysato laga yeelimaayo cidna xaqooda in laduudsiiyo lama yeelayo Jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland Far nin aan khad loo darin kursi xaaraan ayuu ka yahay inuu ku fadhiisto kuna fadhiyaa, ee dhako kale keena, Kornayl Maxamed Kaahinow Dhar shicib sida loo xidhaa fudud se Dimuqraadiyad sida loo Dhidbaa Adage!. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com