“ALLA MA INANKAAN LAHAA DAYRTA U GUURI AYAA LIKE QODANAYA!”

Hooyo Soomaaliyeed ayaa wiil ay dhashay aad ugu hanweynayd, waxaanay ku tallamaysay oo ay maanka ku haysay gu’gaa maanta ah dabayaaqadiisa wiilkaaga u guuri, kadibna maalin maalmaha ka mid ah ayuun bay ku soo baxday wiilkeedii ay ku tallamaysay u guurintiisa oo ciidda fadhanaya oo like ka qodanaya, deedna way saluugtay oo fajac, amakaag iyo filinsho waa ayaa ku dhacay, deedna iyada oo dhabannada haysata ayey ku tiraabtay halqabsigan: “ALLA MA INANKAAN LAHAA DAYRTA U GUURI AYAA LIKE QODANAYA!”

Waxa aan uga socdaa oo dulucdeedu tahay mudanayaashii Golaha Wakiillada ee bulshadu ka sugaysay sameynta xeerar dalka iyo dadkaba u dan ah, qabyotirka xeerarkii hore iyo sidoo kale jid iyo xal u helidda muranka xeer ee dalka ka taagan. Isla markaana dastuurku siiyey awoodo aannu waaxyaha kale ee dawladda siin.
Nasiib-darro waxaan xalay daawaday mudanayaal ka mid ah Golaha Wakiillada oo muddaharaad iyo weedho aan saluugay ku tiraabaya.

Haddaba, Mudanaha Golaha Wakiilladu ma muddaharaado, muddaharaadna kuma baaqo, erayo bulshada kala fogaynayana kuma tiraabo ee wuxuu ku shaqeeyaa kuna saleeyaa xilgudashadiisa dastuurka iyo xeer-hoosaadkiisa sida ku xardhan QODOBKA 38AAD FAQRADDIISA 3AAD EE DASTUURKA JSL waxana ugu muhiimsan shaqadiisa:-
1- Sugidda nabadgalyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
2- Dejinta xeerarka Jamhuuriyaddu u baahan tahay iyo qabyotirka xeerarkii hore si waafaqsan Shareecada Islaamka.
3- Hirgalinta xeerarka u dagsan dalka iyo xaqiijinta Caddaaladda.

Arrimahaasina waa kuwa ugu muhiimsan xilgudashada mudane kasta oo ka tirsan aqalka Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) sida ku cad QODOBKA 38AAD  FAQRADDIISA 4AAD XARFAHA (b, t iyo j) EE DASTUURKA JSL oo u dhigan sidan:
“4. Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda:-
b- Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.
t- In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaam ah.
j- Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabba-galka caddaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland.”

Ugu dambayn waxaan u soo jeedinayaa mudanayaashaasi in ay si guud qaranka JSL raalligalin buuxda u siiyaan, si gaar ahna Golaha Wakiillada ee ay haybaddiisii iyo xilgudashadiisiiba hoos u dhigeen.

ALLAA MAHAD LEH
Xildhiban Ahmed Tayib   KUCADDEEYE.