Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?

Laascaanood (BerberaNews)- Maamulka Gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa gaadhay degmada Boocame ee gobolkaas, kuwaas oo dadweynaha deegaanku si diirran u soo dhaweeyeen.

Degmada Boocame ayaa 78km dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Laascaanood, isla markaana masaafo ku dhaw Dhowr iyo Soddon KM u jirta Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.